Odayaal Ergooyinka ku sugan magaalada Cadaado ku hor fadeexeeyay Odawaa

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaarayo Magalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegaaya in Odayaasha qaar ay faraqa qabsadeen Wasiirka arrimaha gudaha DF Somalia C/raxmaan Odawaa.

Wararku waxa ay sheegayaan tiro Odayaal ah ay Ergooyinka hortooda ku qabsadeen Odawaa, kadib markii ay ku eedeeyeen in uu Odayaal isaga u gaar ah uu kusoo daray Shirka.

Waxa ay meel fagaaro ah ka sheegeen in Odawaa uu ku dhawaad 30 Odayaal laga kaxeyay Magaaalada Muqdisho ku daray Ergooyinka shirka, waxa ayna sheegen in burburka shirka ay sabab u noqon doonto DF Somalia.

Ergooyinka ayaa sheegay in DF Somalia gaar ahaan Madaxaweyne Xassan iyo Wasiir Odawaa ay kala faquuqayaan Odayaasha waxa ayna balan ku qaaden inay ku kacayaan midaasi mid lamid ah.

DF Somalia ayay ugu baaqeen inay laqdabada ka dhaafto shirka, waxa ayna ku celcelsheen shirka aan laga gaari doonin mirihii laga filaayay hadii aan laga joojin kala qeyqeybinta Ergooyinka.

Dhanka kale, xaalada ayaa u muuqaneyso mid kala guur ah bacdamaa ay Odayaasha wadaan dacwooyin lidi ku ah wasiirkaa arrimaha gudaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com