DAAWO Puntland oo ka awood badisay DF & hanjabaad loo jeediyay

Garoowe (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa hanjabaad cusub u jeediyay xubnaha gudiyada dowlada Soomaaliya ay dhawaan magacabeen.

Kulan ay yeesheen golaha wasiirada maamulka Puntland ayaa war laga soo saaray waxaa lagu sheegay iney kasoo horjeedaan gudiyada kala duwan oo ay ku dhawaaqday dowlada Soomaaliya.

Waxaa qoraalka oo nuqul kamid ah soo gaaray Caasimada Online lagu sheegay in Puntland aysan aqoonsaneyn gudiyada kala duwan ayna la shaqeyn doonin.

Waxaa gudiyada loogu hanjabay ineysan tagi karin deegaanada maamulka Puntland.

WARMURTIYEED

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com