XOG: Gobolada Dhexe oo yeelanaya labo madaxweyne

Cadaado (Caasimada Online)-Iyadoo markii hore uu jiray khilaaf ku saleysan qaab dhismeedka maamulka gobolada dhexe ayaa haddana waxaa sii kordhiya xiisada la fileysan karo iney ka dhalato dhismaha maamulkaasi.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo la hadlayay Guddi uu Magacawday oo ku Xareeysan Banaanka Magaalada Cadaado ayaa sheegay in uu Jiro Khilaaf ka dhextaagan qaabka loo sameenayo Maamulka Gobolada Dhexe la doonayo in uu ka soo baxo.

Madaxweyne Qeybdiid oo kamid ah saxiixayaasha maamulka gobolada dhexe ayaa sheegay in gudiga farsamada ay yihiin kuwo taageersan C/kariin Xuseen Guuleed dhankoodana ay ka horjeedaan arintaasi.

Wuxuu sheegay in dhankooda ay doorasho sameyn doonaan maadaama ay yihiin odayaal ka fakaraya aayaha gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya oo aysan taageersaneyn qorsha dowlada Soomaaliya ay ka damacsan tahay gobolada dhexe.

Ujeedada shalay uu wasiirka arimaha gudaha u tagay magaalada Cadaado ayaa ah sidii oo dhameyn lahaa kala duwanaanshaha ka jira magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud oo ka dhalatay kala diristii gudiga farsamada.

Cabdi qeybdiid ayaa si weyn uga soo horjeeda Musharax ay Dowladda Dhexe u wadato Gobolada Dhexe in uu Madaxweyne ka noqdo oo ah C/kariin Xuseen Guuleed,waxaana Xeel dheereyaasha Siyaasada ay sheegayaan in Shirka Gobolada Dhexe uu yeelan doono Madaxweyneyaal kala duwan.

Arinta mucaaradka cusub ee Cabdi Qeybdiid ayaa horseedi karta haddii uusan tanaasul imaan in gobolada dhexe ay yeelatolabo madaxweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com