Cabdi Qeybdiid oo ka hor yimid dalab kaga yimid Wasiirka A/Gudaha

Cadaado (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya uu ka dalbaday Cabdi Qeybdiid iney ku kulmaan Cadaado.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa lagu waramayaa inuu arintaasi ka biyo diiday uuna diiday inuu aqbalo dalabka wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya.

Sida xogta lagu helayo Wasiir C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa doonaya inuu dhameeyo kala aragti duwanaanshaha ka taagan magaalada Cadaado.

Cabdi Qeybdiid ayaa xareeyay Odayaal uu sheegay iney matalaan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, waxaana uu u muuqdaa inuu meel cidlo ah uu kusoo dhacay.

Waxaa markii hore ay saxiixayaal ay isla ahaayeen Madaxweynaha Ximan iyo Xeeb iyo Ahlu sunna, laakiin Ahlu suna iyo Ximan iyo Xeeb ayaa u muuqdo kuwo la hishiiyay dowlada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com