Bashiir Goobe oo Mar kale walaalkii Xil u dhiibay

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha cusub ee ciidamada Asluubta Soomaaliya Bashiir Goobe ayaa markii labaad xilka uu ka hayay baarlamaanka ee xubinnimada ku wareejiyay Walaalkii.

Qaasim Maxamed Jaamac, oo la dhashay Bashiir Maxamed Jaamac Goobe, ayaa maanta loo dhaariyay xilka xubin ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Xiligii uu ahaa taliyaha nabad sugida Soomaaliya ayuu Bashiir Goobe xilkaasi sidan oo kale ugu wareejiyay walaalkiis, laakin dib ayuu ugu laabtay kadib markii walaalkii uu iscasilaad ku dhawaaqay.

Qaasim Maxamed Jaamac ayaa kamid ahaa xubno xildhibaano  oo maanta lagu dhaariyay golaha shacabka.

Qaasim Maxamed ayaa ahaanaya xubin ka tirsan baarlamaanka ilaa inta uu xilka hayo walaalkiis, ileen haddii xilka laga qaado wuxuu kusoo laabanaya baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com