Xildhibaanadii gudbiyay Mooshinka oo Shir Jaraa’id qabtay (Warbixin)

Garoowe (Caasimada Online )-Wararka naga soo gaaraayo Magaalada Garoowe, ayaa sheegaya in manta ay halkaasi shir Jaraa’id ku qabtay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Puntland oo maalintii shalay ahayd soo saaray warqad ay ku saxiixan yihiin iyagoo gaaraya 21 Xildhibaan, warqaddaasi oo ay Guddoonka Baarlamaanka uga codsanayaan in la qabto Kulan aan Caadi ahayn oo lagula Xisaabtamayo Xukuumadda Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaanadaasi ay shirkooda Jaraa’id ku beeniyeen warar sheegaya in Mooshinkaasi ay ka leeyihiin dano gaar ah oo ay ku carqaladeynayaan Xukumada iminka talada heyso ama jiho gaar ah.

Waxa ay sheegeen in mar waliba loo baahan yahay isla xisaabtan si meesha looga saaro waxqabad la’aan iyo in si wada jir ah looga beero xaqiijinta Amaanka deegaanada Gobolka.

Sidoo kale, waxa ay meesha ka saareen in Xukuumada Puntland ay gabi ahaan tahay mid ka gaabisay howlihii kaga aadanaa hanaanka Siyaasada, Amaanka iyo Horumarka Gobolka, balse tani ay noqoneyso mid dardar galineysa Hanaanka Siyaasadeed ee Maamulka.

Xildhibaanada kulmay oo aad u badnaa ayaa waxaa kamid ahaa :-

Xildhibaan Cabdikariin Xuseen Guure (Shaacuur).
Xildhibaan C/casiis Siciid Gacmey
Xildhibaan C/xakiin dhooba-daarood.

Dhanka kale, waxa ay balan qaadeen inaan dhici doonin Wasaarad gaar ah oo iyadu ka gaabisa howlihii loo igmaday, waxa ayna Mooshinkaasi ku sheegen inuu yahay mid dhabaha u xaarayo wax wada qabsiga.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com