Dowlada Soomaaliya oo jawaab kulul siisay maamulka Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online)- Wasiiro dowlaha wasaarada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii dhawaan kasoo yeeray maamulka Somaliland ee ahaa isku dhafka ciidamada in la doonayo in duulaan loogu diro Somaliland.

Maxamed Cali Xagaa, ayaa hadalkaan ka jeediyay xaflad looga hadlayay isku dhafka ciidamada oo ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ujeedada isku dhafka ciidamada uu ku sheegay iney tahay sidii loo hanan lahaa amaanka dalka Soomaaliya.

“Aniga iyo wasiirka arimaha gudaha waxaan kasoo jeednaa gobolada waqooyi oo aan halkaan u matalnaa, waxaan dhihi lahaa wasiirka arimaha gudaha inuu hadalkaasi dib kaga fiirsadaa oo uu “istaaq furulaah” ka dhahaa, ileen annaga midnaan ayaan dooneynaa, kaliya Mabda’ ayaan isku heynaa”ayuu yiri  Maxamed Cali Xagaa.

4 May ee sanadkaan ayay aheyd markii wasiirka arimaha gudaha maamulka Somaliland uu sheegay  in ciidamada loo tababaro Puntland ay qeyb ka tahay qorshe la doonayo in lagu weeraro maamulka Somaliland.

Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ku tilmaamay qorshaha isku dhafka ciidamada Soomaaliyeed uu yahay in lagu xaqiijiyo amaanka guud ahaan ee dalka Soomaaliya.

“Dhismaha ciidamada waa mid qaran ee ma ahan mid qabyaaladeed, haddii horay loo dhihi jiray tolkada iyo kobtaada dhexdaa looga jira maanta waxay joogtaa ciidankaada iyo qarankaada dhexda ayaa looga jiraa”ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com