XOG:- Axmed Madoobe oo gaadiid dagaal kala dagaya Dekada Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online)-Caasimada Online ayaa ogaatay qorshe dekada magaalada Kismaayo looga soo dajinayo gaadiid dagaal oo maamulka Jubba uu leeyahay.

Ilo Xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in gaadiidka laga soo dajinayo magaalada Kismaayo ay yihiin nooca ciidamada AMISOM ay wataan oo kale iyo gaadiidka aysan rasaasta karin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dekada sidoo kale la qorsheynayo in laga soo dajiyo hub iyo gadiid kale, sida xogta aan ku heleyno.

Xubnaha la hadlay Caasimada Online waxay sheegeen iney hubaan in gaadiidka maamulka Jubba uu kasoo iibsaday wadanka isku taga imaaraadka Carabta, laakiin waxaan la xaqiijin halka hubka laga keenay.

Maamulka Jubba ayaa noqonaya maamulkii ugu horeeyay ee soo iibsada gaadiidka dagaalka ee u qaab eg kuwa ay ku howlgalaan ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya.

La soco waxii xogtaani kusoo Kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Jubbooyinka
Caasimada@live.com