XOG Kay oo dacwad adag ka gudbiyay Madaxweyne Xassan

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online)-Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somalia Nicholas Kay, ayaa lagu soo waramayaa in uu xiligaani dacwad adag ka gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Dacwadaani oo loo gudbiyay Xoghayaha guud ee QM, taasi oo salka ku heyso in Madaxweyne Xassan uu ku tagri falaayo nidaamka federaalisimka oo ay qaadatay DF Somalia.

Nuqul kamid ah qoraalka dacwadaasi oo ay heshay Shabakada Caasimadda Online, ayaa waxaa kamid ahaa ”Iyadoo ay QM tixraaceyso dejinta barnaamijka Hiigsiga 2016-ka iyo baahiyaha loo qabo in Somalia uu ku faafo Federaaliisimka, ayaa waxaa jiro dhaliilo gaar ah oo aan ka muujineyno Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, DF waxa ay caqabad ku tahay ama ay diidan tahay xooligii lagu fidin lahaa Federaaliisimka, waxaa jiro caqabado naga heysta nidaamkaasi Xasan Sheekh markii aan dhowr jeer usoo bandhignay wuu ku gacanseeray”

Dacwadaani ayaa imaaneyso xili ay isku dhex qasan yihiin labada Barnaamij ee kala ah Hiigsiga cusub iyo in Somalia laga dhaqan galiyo Federaaliisimka, taasi oo inta badan ay ka caga jiideyso DF Somalia oo iyadu dusha saaratay hirgalinteeda.

Beesha caalamka ayaa Lixdii bil ee ugu dambeysay ka didsan Siyaasadaha aan ku saleysneyn wadciga ka taagan Somalia iyo qaabka ay DF Somalia uga jiifto dardar galinta Hanaanka doorasho.

Geesta kale, DF Somalia ayaa xiligaani u muuqata inay ku fashilintay in dalka oo idil ay ka hirgaliso nidaamyadii baneynaayay in doorasho xor ah ay dhacdo, waxaana cabsi laga qabaa in Xasan Sheekh uu mudo kordhin sameeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com