Jawaari oo ka digay arin halisteeda leh & CCC Sharma’arke oo amar la siiyay

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku amray xukuumada Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iney bilaabaan soo celinta furaha Soomaaliya ee 252.

Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya looga baahan yahay soo celinta furaha dalka Soomaaliya oo uu sheegay in caalamka looga been sheego Soomaaliya.

“Arrimaha kale aan hoosta ka xariqaayo oo inbadan isoo gaaray waxaa weeyaa,n nabarka Soomaaliya loo yaqaano 252 wa inuu  gacantena kusoo noqoto, ha noqoto 2 bil, ha noqoto shan bil, waa in hadda la bilaabaa, howshiisa hadii ay socoto in la sii dadajiyo. 252 suuqa waregaayay iyo caalamka uu waregaayay ma ogalin, taa waxaa weyaan iney degdeg u timaado maxaa yeelay dowladanimada ayaa taa ku jirta”ayuu yiri Jawaari.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku amray xukuumada CCC iney muddo bilooyin ah kusoo celiso furaha Soomaaliya oo waxyaabo aan wanaagsan suuqa ay ugu jiraan sida uu sheegay Jawaari.

Waxaa sidoo kale golaha wasiirada loogu baaqay iney dhankooda tababaro iyo aqoon kororsi siiyaan shirkadaha isgaarsiinta si ay u bixiyaan canshuurta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com