Somalia doorasho ceynkee ah ayaa la filan karaa inay ka dhacdo sanadka 2016?

Muqdisho (Caasimada Online)-Inta badan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia, ayaa waxaa si aad ah looga hadal hayaa doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo dalka.

Bisha September ee sanadka 2016-ka ayaa lagu wadaa in Somalia ay ka dhacdo doorasho ka duwan doorashooyinkii hore ee dalka soo maray, taasi oo ay dadaalkeedu iminka isla wadaan DF Somalia iyo Beesha Caalamka.

Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka waxa uu sharci ahaan dhigayaa in sanadka 2016 ay Somalia ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod ah hase ahaatee waxaa hada muuqata in arrintaasi ay tahay mid aad uga fog xaqiiqda ka jirta dalka Somalia.

Madaxda DF Somalia oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Xassan Sheekh, ayaa in badan ku celceliyay in sanadka 2016-ka dalka uu ka dhici doono doorasho balse ma sheegin nooca ay noqon doonto doorashadaasi.

Dowlada Mareykanka oo kamid ah Dowladaha ugu tunka weyn Caalamka, ayaa iminka wajaheysa xaqiiqda ka jirta Somalia waxayna ka soo dabceen mowqifkoodii hore ee ahaa in sanadka 2016-ka dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Sargaal ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibadda Mareykanka oo arrinta doorashada ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri‘‘Rajadu waxay ahayd in sanadka 2016 dalka ka dhacdo doorasho laakiin waa inaynu waaqiciyiin noqonaa. doorashadan ma noqon doonto sidii aan rajeynaynay oo qof iyo cod ah,’’

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri ‘‘Waxaan DF Somalia ku cadaadinaa inay qabato doorasho nooca lagu taamaayo balse waxaa inoo muuqda inay kacaga jiideyso qabsoomida doorashada”

Hadalka ka soo yeeray Mareykanka ayaa muujinaya in beesha caalamku ka tanaasushay dalabkoodii ahaa in sanadka 2016 Somalia ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah hadana ay xaaladu marayso ha la qabto nooc doorasho un ah oo ka duwan tii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com