XOG Puntland oo waddo qorshe ka dhan ah shirka Gobolada Dhexe & Sool iyo sanaag

Gaalkacyo (Caasimada Online)- Maamulka Puntland ayaa waddo qabanqaabada shir ka dhan ah maamulka loo sameynayo gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya iyo deegaanada Sool iyo Sanaag ee ka maqan gacanta maamulka Puntland.

Shirkaasi ayaa la qorsheynayaa inuu ka dhaco magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana la filayaa iney ka qeyb  galaan isimada maamulka Puntland iyo waxgaradka ku sugan deegaanada maamulkaasi.

Shirka ayaa la shaaciyay in la qaban doono muddo 15 maalin kadib, sida Caasimada Online ay u sheegeen xubno ka tirsan maamulka Puntland oo aan la hadalnay.

Xubnahaasi qaar kamid ah golaha deegaanka magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in shirkaasi inta badan looga hadli doono shirka ka socda magaalada Cadaado ee gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la filayaa in diirada lagu saaro dhulka ka maqan maamulka Puntland ee Sool iyo Sanaag lagana soo saaro sidii dhulkaasi ay usoo noqsan lahaayeen maamulka Puntland.

Waxaa hadda socda qorshe lagu xaqiijinayo amaanka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug halkaasi oo uu ka dhacayo shirkaasi oo loogu magac daray aayo ka talinta Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com