Ahlu sunna oo 3 Milyan oo doolar ka dooneysa dowlada Xasan Sheikh

 Muqdisho (Caasimada Online)-Saraakiil ka tirsan Ahlu sunna koofureed oo saxaafada la hadlay ayaa soo dhaweyn aan buuxin u sameeyay qorshaha dowlada Soomaaliya ay ku dooneyso qarameynta ciidamada kala duwan.

Sarkaal u hadlay Ahlu sunna ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in la qarameeyo ciidaada kala duwan ee ku sugan gobolada dalka Soomaaliya, laakiin dhankooda ay tabasho ka muujinayaan dowlada.

Sarkaalkaasi ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya marnaba aysan ku biirin doonin ciidamadooda Ahlu sunna ilaa dowlada Xasan Sheikh ay ka dhameystireyso hishiisyo ay horay u kala saxiixdeen.

Hishiisyadaasi ayuu sheegay  iney kamid ahaayeen bixinta dhaqaalo badan oo Ahlu sunna lagu leeyahay oo dowlada Soomaaliya ay horay u balanqaatay iney bixineyso.

Dhaqaalahaasi wuxuu sheegay inuu gaalayo inka badan 3 milyan oo doolar oo ay ku galeen dagaalo kala duwan tan iyo sanadkii 2009 kii, sida uu sheegay sarkaalka u hadlay Ahlu sunna.

Dowlada federaalka ayaa hadda waddo qorshe ay ku qarameyneyso dhamaan ciidamada kala duwan ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, waana qorshe wanaagsan marka loo fiiriyo dhanka amaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com