Shirar gaar gaar ah oo xiligaani ka socdo Cadaado

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa sheegaya in goor dhow uu halkaasi ka bilowday Shirar gaar gaar ah oo u dhexeeya Ergooyinka halkaasi uga qeybgalaayo Shirka maamulka loogu dhisaayo G/Dhexe ee Somalia.

Shirka ayaa waxa uu u dhexeeya Wafdi ka socda DF Somalia oo uu horboodaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Xildhibaano ka tirsan BF Somalia kuwaasi oo dhageysanaayo Cabashooyin ay qabaan Beelo dhowr ah.

Abshir Maxamuud oo kamid ah Ergooyinka ayaa warbaahinta u sheegay in Ergooyinka ay wafdiga kala hadlayaan godobo gaar ah ay tirsanayaan Beelaha ka qeybqaadanaayo shirka, waxa uuna carabka ku dhuftay in DF Somalia ay ka weecatay xeendaabka Siyaasadii lagu xakameyn lahaa Shirka Cadaado.

Waxa uu sheegay in Ergooyinka qaar ay Habeenimadii xalay ay qaabileen Wafdiga ka socda DF Somalia islamarkaana ay kala hadleen arrimahooda gaarka ah, halka Beelaha soo harayna ay maanta soo bandhigi doonaan waxyaabaha ay ka cabanayaan.

Ilaa Shan beel ayuu sheegay in lagu hayo isdibmarin taasina ay muujineyso in DF Somalia ay ka weecatay Hanaankii lagu xakameyn lahaa Shirka.

Geesta kale, waxa uu DF Somalia uga digay inay kala qeybqeybiso Ergooyinka sii kala irdhoobay, waxa uuna taasi ku sheegay mid aan laheyn hor u socod.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com