Maxey Beesha Caalamka ka tiri Kufsiga ay geysanayaan Ciidamada AMISOM

Muqdisho (Caasimada Online)- Kooxda Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya (The Human Rights Working Group on Somalia (HRWG), oo ka kooban Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah Norway, Switzerland iyo Maraykana ayaa waxay si wadajir ah uga jawaabeen Warbixintii ay Ururka Midowga Afrika dhawaan ka soo saareen Baaritaankii ay ku sameeyeen Kufsiga ay Askarta AMISOM u geysteen Haween iyo gabdho Soomaaliyeed oo ku nool magaalladda Muqdisho.

Kooxda Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya (HRWG) waxay Warkaasi ay ka soo saareen caasimadda dalka Belgium ee Brusseles sheegeen inay si dhow ula socdeen wixii ka soo kordhay warbixintii Human Rights Watch ee xadgudubyadda iyo faro-xumaynta ay sameeyeen Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya. Kooxda waxaa dhiiri galiyey jawaabtii Midowga Afrika.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay inay qiimeeyaan jawaabta wanaagsan ee ay Baarayaasha Midowga Afrika isku dayeen si ay u baaraan eedmaha xadgudubyada ka dhanka ah haweenka ee lagu sheegay Warbixintii Hay’adda Human Rights Watch.

Sidoo kale, Kooxda Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya (HRWG) Kooxda waxa dhiirigaliyeen Talo soo jeedinta warbixintii AU-da, iyadoo la xusay inay tallaabo muhiim tahay sida firfircoon ee ay Midowga Afrika uga daba tagaan fulintooda.

Tani waxay ka dhigan tahay in talaabadda ugu horaysa ay qaadaan Hawlgalka Taageerada Nabada ee Midowga Afrika AU Peace Support Operations (PSO) la macaamilka wanaagsan.

Kooxda Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya (HRWG) waxay dhiirigelinayaan in Midowga Afrika ay si deg deg ah u bilaabaan waax madaxbanaan, hawlkar ah isla markaan si fiican loo qalabeeyey oo dusha kala socota Tacadiyadda ay Askarta AMISOM geystaan.

Qoraalka Wadajirka ee Kooxda Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya (HRWG) waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in ay wadaagaan mas’uuliyadda AMISOM iyo dalalka ciidanku ka joogaan Somalia, si ay u qabtaan shakhsiyaadka lagu helo gabood-falka.

Waxaa loogu baaqay Talliska AMISOM iyo Dowladaha ay Ciiddanka ka joogaan Somalia inay hubiyaan mas’uuliyadda buuxda, isla markaana ay fududeeyaan helitaanka xubnaha si loo baro dhamaan kiisaska khuseeyaa shaqaalahooda iyo dhamaan eedohooda si dhex dhexaad ah lana hubiyo tallaabo sharci oo ku haboon in laga qaaday.

War Murtiyeedka Kooxda Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya (HRWG) waxa ay ugu baaqeen Ururka Midowga Afrika inay Muqdisho ka aasaasaan Habka Cabashooyinka oo Madaxbanaan, oo sahli karta in dhibanayaasha lagu xadgudbay ay cabashooyinka u gudbin karaan, iyadoo ay muhiim tahay in sirta dhibanayaasha si buuxda loo ilaaliyo, si aan loo ugaarsanin.

Qoraalka Kooxda Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya (HRWG) waxay xuseen in aan loo dulqaadan doonin cagajuglaynta iyo sheegida dadka ka badbaaday gabood falada loo geystay iyo Hawlgelinta Maxkamadaha Militariga iyo Unuga Agaasinka Marshall si waafaqsan soo jeedimaha waxay noqonaysaa talaabo muhiim ah.

Waxaa loogu baaqay Midowga Afrika inay hore u qaadaan tobabarada dheeraadka ah oo ku saabsan arrimaha xuquuqda aadamaha iyo jinsiga oo la siiyo hawl-wadeenada iyo shaqaalahaPSO (Iyada oo la raacayo Hab-raacyada Tababarada Jinsiga ee Hawgalada Midowga Afrika ee Taageera Nabada) iyo in sidoo kale la hawlgaliyo Kormeerayaasha Xuquuqda Aadamaha ee Goobaha Colaada.

Kooxdu waxay hoosta ka xariiqayaan masuuliyada in la ilaaliyo Xeerka Caalamiga ah ee Bilow-aadamtinimada iyo Xuquuqda Aadamaha ee Soomaaliya.

Dhamaan waxaa loo siman yahay hay’adaha amniga iyo ciidanka qalabka sida ee dalka ka shaqeeya.

Kooxda Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya (HRWG) waxay ugu yeereen Dawladda Federaalka Soomaaliya inay bilowdo Qorshaha Hawlgalka Qaranka ee ka soo horjeeda xad-gudubyada jinsiga iyo damaanad qaadka isticmaalka nidaamka sharciga iyo ilaalinta xuquuqda dhibanayaasha iyo dadka khatarta ku sugan.

Warka Wadajirka ee Kooxda Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya (HRWG) waxaa lagu xusay inay Beesha Calaamka sii wadayaan inay si dhow ugala shaqeeyaan AMISOM iyo Ciidanka Amaanka Soomaaliya amuurtani iyo in ciidanku ku dhex shaqeeyaan nidaamka xuquuqda aadamaha.

Xigasho:- HRWG

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com