Wasiir C/raxmaan Odowaa oo u jawaabay 18 beelood oo Cadaado ku shiray

Cadaado (Caasimada Online)-Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, oo ku sugan magaalada Cadaado oo uu shalay tagay ayaa ka jawaabay eedeymaya loo jeediyo wasaaradiisa.

Wasiir Odowaa,ayaa ugu horeyn waxba kama jiraan ku tilmaamay eeda ah iney la safan yihiin qaar kamid ah musharixiinta ku sugan magaalada Cadaado ayna carqalad ku yihiin shirka ka soconaya magaaladaaasi.

Wasiirka wuxuu sheegay inuu si cad u sheegayo in dowlada Soomaaliya marnaba aysan carqaladeyn doonin shirka Cadaado ayna dooneyso in dalka laga hirgiliyo nidaamka Federaalka ka hor sanadka 2016.

“Waxaan rabaa inaan idiin cadeeyo dadka fikirada kale aamisanow, Shirkaan adinkaa iska leh wax carqalad ahna dowlada kalama kulmeysaan,  dantiina gaar ahaaneed adiga ha iska weecinina, annaga ka hor 2016 waxaan rabnaa goboladaan oo maamul leh iyo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe” ayuu yiri Odowaa.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay  in wasaarada arimaha gudaha ay dadaal dheeraad ah ugu jirto sidii dalka oo dhan looga hirgilin lahaa nidaamka Federaalka , taa badalkeena marnaba aysan dooneynin iney dhibaato ka abuuraan shirka gobolada dhexe iyo gobolada kale ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com