18 beelood oo isbaheystay &Wasiir Odawaa oo XASAN SHEEKH lagu dacweeyay

Cadaado (Caasimada Online)- Odayaal iyo waxgarad saxaafada kula hadlay magaalada Cadaado ayaa hal fikrad ka qaatay wasaarada arimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya.

Odayaasha oo matalayay 18 beelood oo daga gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ay kala qeybin ka wado shirka gobolada dhexe.

Odayaasha oo bayaan kasoo saaray shir ay ku yeesheen magaalada Cadaado aya cadeeyay in xubno ka tirsan wasaarada arimaha gudaha ay carqalad ku yihiin shirka ka soconaya  magaalada Cadaado ee maamulka loogu dhisayo Mudug iyo Galgaduud.

Waxgaradka ayaa ku wargeliyay madaxda dowlada Soomaaliya in wasaarada arimaha gudaha oo uu wasiirka ka yahay C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa masuul ka noqoneyso dhibaatadii ka dhalataa gobolada dhexe.

Bayaanka waxaa lagu sheegay in dhamaan beelaha ay ka siman yihiin dhaliilaha ay u jeedinayaan dowlada Federaalka Soomaaliya, loogana baahan yahay dowlada iney arimahaasi wax ka qabato.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com