XOG Nolasha Kenyatta oo halis ku gashay Somalia & Ethiopia oo carqaladeysay

Muqdisho (Caasimada Online)-Wargeyska The Standard Media, ayaa goordhow qoray qoraal ku aadan in Diyaarad uu la socday Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo Hawada Somalia soo gashay ay Dowlada Ethiopia ka weecisay jihaddii Diyaaradaasi ay ku soctay.

Qoraalka Wargeyska ayaa lagu sheegay in Saraakiisha duulista Hawada dalka Ethiopia ay xiriir la sameeyen duuliyihii waday diyaaradii uu la socday Uhurro Kenyatta si uu uga weeciyo Hawada, hayeeshee markii uu ka dhaga adeegay ay ka caburiyeen hawada ay ku duuleysay.

Duuliyihii waday Diyaarada oo baqdin ka qabay in la carqaladeeyo Hawada ay ku soctay, ayaa markii dambe u weeciyay Hawada Somalia, kadib, markii ay Saraakiisha Waaxda Duulista Hawada ee Ethiopia codsadeen in la beddelo Jihadda Duullimaadka.

Diyaaradda ayaa soo gashay Hawada Somalia, ka hor intaysan dib ugu laabanin Garoonka Jomo Kenyatta International Airport ee magaalladda Nairobi oo ay Diyaaradda markii hore ka soo duushay.

Diyaaradaasi ayaa la sheegay inay Hawada ku jirtay muddo 4 saacadood, iyadoo saacadiiba jaraysay masaafo dhan 800 oo KM.

Sidoo kale, Duulliyaha ayaa la sheegay inay ku adkaatay inuu helo Khad Duullimaad oo toos uu ku tegi lahaa dalka Imaaraadka Carabta, si uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta uga sii raaco Diyaarad kale oo ku sii jeeday dalka Maraykanka.

Wargeyska The Standard Media oo xiganaayo Saraakiisha duulimaadyada ayaa qoray inay Diyaaradda la soo gudboonaatay cillad farsamo, oo khatar gelin lahayd nolosha Uhuru Kenyatta.

Arrintaani ayaa muujineyso in Khilaaf xoogan uu xiligaani ka dhex taagan yahay Dowladaha Ethiopia iyo Kenya, taasi oo sababtay in nolosha Madaxweyne Kenyatta ay halis ku gasho hawada Somalia.

Dhacdadaani ayaa sii xoojineyso Khilaafka labada Dowladood, waxaana halis ah in xiliga dambe ay isu bedesho aar-goosi ka dhan ah Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com