Wada-hadallo u socda GAAS iyo Gen. Muxiyadiin

Garoowe (Caasimada Online) – Siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland ayaa waan waan ka dhex wada Madaxtooyada Maamulka iyo Gen Muxiidin oo la goostay Ciidamo ka tirsan Maamulka.

Cabdulaahi Ciise Gudoomiyaha Gobolka Nugaal, ayaa sheegay in wada xaajood uu u socdo Madaxtooyada Maamulka Puntland iyo Muxiidin, waxa uuna sheegay inay jiraan isu soo dhawaansho labada dhinac.

Gogosha wada xaajoodka ayuu sheegay inay taalo Deegaanka Qarxis ee degmada Ayl, waxa uuna meesha ka saaray wararka sheegaya in Gen Muxiidin uu ka biyo diidan yahay inuu wada hadal lagalo Maamulka, kadib markii warbaaahinta qaar ay sheegtay in Gen Muxiidin uusan diyaar u aheyn in xal laga gaaro buuqa iminka kala dhexeeya Mamulka.

Wada xaajoodka ayaa waxaa maamulka Madaxtooyada u matalaayo tiro Mas’uuliyiin ah oo uu wakiishay Madaxweynaha Maamulka C/weli Gaas, halka dhanka Gen Muxiidin ay ka socdaan Nabadoono kasoo jeeda laftiisa iyo waxgarad kale.

Gen Muxiidin ayaa isaga ka gadoodsan Mushaar la’aan lagu hayo Ciidamada Maamulka, waxa uuna taasi ku sheegay mid aan suuragal aheyn.

Lama oga natiijaa kasoo bixi doonto kulanka waxaana suuragal ah in xal laga gaaro wada xaajoodka.

CaasimadaOnline
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com