Al-Cadaala: “Aniga waan noolahay balse rag kale ayaa dharar cad surka laga jaray, waxba dhacay”

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha deegaanka Leego Abuukar Cabdalla Isaaq Al Cadaala oo ka hadlaayay gowraca Gudoomiye ku-xigeenkii deegaanka leego, ayaa sheegay in ku-xigeenkiisa surka laga jaray.

Waxa uu sheegay in isaga uu badqabo balse ay Maleeshiyadu boobsiisay saaxiibkiisa, isagoona sheegay in kuwa kale ee lala qafaashayna ay ku xigaan waa hadii aan laga gaarsiin.

Waxa uu sidoo kale, cadeeyay in gacanta Maleeshiyadu ay ku jiraan Mas’uuliyiin badan islamarkaana laga cabsi qabo inay maraan wadadii uu maray Ku-xigeenkiisa.

Mas’uuliyiinta gacanta Maleeshiyada ku jirta ayuu sheegay inay ku jiraan rag ka tirsanaa shaqaalaha, waxa uuna cadeeyay in noloshooda ay halis ku jirto sumcad darideeduna ay u taalo DF Somalia.

Dhanka kale, Saraakiisha Ciidamada Militeriga Dowlada Somalia ayuu ugu baaqay inay qaadan talaabo lagu soo badbaadinaayo Maxaabiista kale inta ay goori goortahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com