XOG: SHARIIF XASANiyo AXMED MADOOBE oo isa soo horfariistay (Maxaa kasoo baxay kulanka)

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamulada Jubaland iyo Koonfur Galbeed oo booqasho ku jooga wadanka Ethiopia ayaa wararka sheegayaan in wadahadalo ay ku xalinayaan khilaafaad u dhexeeyey ku yeesheen magaalada Addis Ababa.

Dowlada Ethiopia oo qayb ka aheyd wadahadaladaan ayaa wararka sheegayaan in labada madaxweyne isla-gaareen heshiis hordhac ah oo ay ku xalinayaan khilafaad la sheegey inuu ka dhashey dhismaha Barlamanka Jubaland.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa horey ugu eedeeyey maamulka Jubaland in xubnaha Barlamanka kasoo galaya beelaha qaarkood aan la siin qaybteedii ay xaqa u lahaayeen.

Wadanka Ethiopia oo ciidamo ka tirsan AMISOM ka jogaan gudaha wadanka Somalia gaar ahaan maamulda Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa xalinta khilaafkaan siinayey muhiimad gaar ah.

Ra’isal wasaaraha Somalia ayaa safar uu dhowaan ku tagey magaalada Kismayo kala hadley madaxda maamulka Jubaland sidii loo xalin lahaa go’aankii ay xiriirka ugu jareen dowlada federaalka.

Caasimada Onlinne
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com