Xog: Odowaa iyo Ceynte oo xilalka laga qaadayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa wax badan ka shaqeeyay dhismaha maamulka Galmudug ee Galgaduud iyo Mudug.

Si kastaba, Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa iney socdaan qorshe xilka looga qaadayo wasiir Craxmaan Odowaa oo beel ahaan kasoo jeeda Beesha Habar-gidir, kadib marka uu shirka soo dhammaado..

Waxaa Xogta Caasimada Heshay ay sheegeysaa in la filayo in xilkaasi loo magacaabo Mustaf Sheikh Cali Dhuxulow oo kasoo jeeda Beesha Murusade, kuna sugnaa maalmahaan magaalada Cadaado. Dhuxulow ayaa dhowaanahan aad ugu dhowaa Xasan Sheekh iyo Damu-Jadiid.

Haddii Mustaf Dhuxulow laga dhigo wasiirka arimaha gudaha waxaa xilkiisa weyn doonaa C/raxmaan Ceynte oo wasiirka qorsheynta maadaama labadooda ay kasoo jeedaan Beesha Murusade. Lama oga qofka loo magacaabi doono xilka wasaaradda qorsheynta.

Waxaan kale oo caddeyn haddii beesha habar-gidir la siin doono xilkaas ama xil kale loo raadin doono, ayada oo la isku shaandheynayo wasaarado kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com