MADAXWEYNE lagu dooranayo Dhuusomareeb kahor madaxweynaha Cadaado (Shirqool cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Ahlu sunna Waljamaaca ayaa waddo qorshe si dhaqso ah ugu dhameystirayaan dhismaha maamulka ay doonayaan iney u sameeyaan Hiiraan qeybo kamid ah, Galgaduud iyo Mudug, waxayna doonayaan iney ka hormariyaan dhismaha maamulka Cadaado ka socda.

Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ku simaha gudoomiyaha golaha fulinta Ahlu sunna Waljamaaca ayaa sheegay iney dardar gelin doonaan qorshaha dhismaha maamulka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, dhawaana la shaacin doono.

Maalintii shalay magaalada Dhuusomareeb waxaa looga dhawaaqay gudiga Farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe oo gaaraya 15 xubnood, waxaana Ahlu sunna ka damacsan tahay iney dhawaan ku dhisto madaxweynaha maamulka gobolada Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in ujeedada gudigaasi tahay iney sameeyaan dastuurka, doorashada madaxweynaha gobolada dhexe, ku xigeenadiisa iyo dhismaha baarlamaanka maaamulka Ahlu sunna damacsan tahay iney ka dhisto gobolada dhexe.

Xogta ayaa sidoo kale sheegaya in Ahlu sunna ay dooneysa 1 July iney magaalada Dhuusomareeb ku doortaan madaxweynaha maamulkooda iyo ku xigeenadiisa.

Ahlu sunna ayaa caqabad kale ku noqoneyso dhismaha maamulka Galmudug ee ka socda magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Ahlu-Sunna ayaa xiriir wanaagsan la leh dowladda Ethiopia iyo maamulka Punland, oo isku dayaya in la fashiliyo shirka Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com