WARQAD sir ah: Shirqoolkii madaxweyne Xasan Sheekh uu 3 sano u maleegayey reer MUQDISHO oo guuleystay (Maxaa dhacaya 29-30 July 2015?)

Shirqoolkii uu muddo saddex sano ah uu madaxweyne Xasan Sheekh u maleegayey dalka Soomaaliya, gaar ahaan dadka dega Muqdisho iyo gobollada koonfurta ayaa gebo-gebo ah, waxaana muuqata in Xasan uu hadafkiisa ku guulesytay. Markaan leenahay shirqoolka waxaa maleegayey Xasan Sheekh, waxaan ula jeednaa in asaga qudhiisa shirqoolka loo maleegay, balse uusan lahayn garaad uu ku dareemo, oo uusanba ogeyn waxa uu sameynayo iyo sida wax u socdaan.

Mustaqbalka Soomaaliya waxaa go’aan ka gaaraya Nickolay Kay, Xasan Sheekh iyo madaxda maamul-goboleedyada, kullan Muqdisho ka dhacaya 29-30 July, 2015, sida ku cad warqad sir ah oo ay heshay Caasimada Online, oo ay saxiixeen Nicholas Kay iyo Xasan. Hoos ka eeg.

Kullankaas ayaa waxaa lagu go’aamin doonaa aayaha Soomaaliya ee 2016, ayada oo la iska indha tirayo aragtida shacabka, laguna shaqeynayo rabitaanka Ethiopia iyo Kenya oo ah dowlado tira badan oo Soomaaliya ka dhisan oo dhammaantood ku xiran labadaas dal ee cadowga ah.

Qorshaha Xasan Sheekh iyo Kay ay fulinayaan, balse ay soo diyaariyeen dhinacyo kale, ee lagu heshiin doono 29-30 July 2015 (Meel ku qoro taariikhdan) ayaa ah in baarlamaanka cusub ee imanaya 2016 ay soo xulaan maamul goboleedyada sharci darrada wada ah ee Xasan Sheekh iyo Kay ay dalka ka dhiseen.

Waxaa la kala dirayaa baarlamanka hadda jira, ayada oo la iska indha tirayo qorshahii hore ee ahaa in baarlamanka loogu daro laba sano, oo uu waday Jawaari, ayna soo jeediyeen kooxda Gurmad. Go’aankaas lama weydiinayo shacabka Soomaaliyeed, xisbiyada siyaasadda iyo baarlamaanka hadda jira, waa fad ama ha fadin.

Qorshaha ugu weyn ayaa ah inaysan wax cod ah yeelan dadka Muqdisho dega ama ku reer tirsada. Waxaa sidoo kale la doonayaa inaysan mar dambe qaban hoggaanka sare ee dalka. Arrintan ayaa waxaa muddo ka shaqeynayey madaxweyne Xasan Sheekh oo gobollo badan oo ay dadkiisa degaan sida Jubbooyinka iyo Sh/hoose u gacan geliyey rag dalka ku iibsaday xukun oo ku kala xiran Ethiopia iyo Kenya, islamarkaana aan shaqo ku lahayn deegaanadaas.

Shirqoolka Xasan Sheekh iyo Nicholas Kay loo soo dhiibay ee ah in xildhibaanada cusub ee 2016 ay soo xulaan maamul goboleedyada sharci darrada ah, ayaa xaqiijin doona in dadka Muqdisho dega looga bato baarlamanka, maadaama illaa iyo hadda Muqdisho aysan ku jirin maamullada federaalka ah, islamarkaana gobollo badan oo dadkaas ay ku heli lahaayeen xildhibaaano badan sida Sh/hoose iyo Jubbooyinka ay xildhibaanadooda soo xuli doonaan Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe, sida uu Xasan ka shaqeeyey.

Maamulka kaliya ee hadda inuu dhismo u dhow ee Gal-Mudug iyo mid kale oo la filayo inay helaan Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa ah halka kaliya ee dadka Muqdisho dega ay kusoo geli karaan baarlamanka cusub. Xasan waxa uu isku dayayaa inaysan dhismin maamul Hiiraan iyo Sh/Dhexe ah, wuxuuna diiday in gobolka Banaadir la raaciyo labadaas gobol. Taasi waxa ay qeyb ka tahay heshiis uu la galay Gaas, Axmed Madoobe iyo Kay.

Caasimada Online oo sanado badan ka digeysay godka iyo shirqoolka uu Xasan Sheekh ku wado dadka caasimada dega, waxa ay aaminsan tahay inuu jiro heshiis beenaad Xasan Sheekh uu la galay Axmed Madoobe iyo Puntland oo madaxweyne loogu ballan qaaday, kaasi oo looga bixi doono marka baarlamanka cusub sida ay rabaan loo soo xulo, si la mid ah sida Shariif Sheekh Axmed loogu ballan-baxay markii laga saxiixay qorshihii federaaleynta.

Shirqoolka Xasan Sheekh iyo Kay, oo ujeedkiisa ay lee yihiin dhinacyo kale balse ay fulinayaan kaliya ayaa xaqiijinaya in Muqdisho noqoto magaalo caasimad un ah , la wada lee yahay, oo aan qeyb ka ahayn federaalka, taasi oo Caasimada Online ay ka digtay inay soo socoto bishii October ee 2014 faallo aan qornay. Halkan ka aqriso.

Arrinta yaabka leh ayaa ah in la doonayo federaal, haddana aan la ogoleyn in tirada xildhibaanada gobol walba lagu salleeyo tirada dadweynaha gobolkaas, si la mid ah federaalka Mareykanka, kan Germany iyo caalamka kaleba. Waa taas sababta aan marnaba loo ogoleyn in gobolka Banaadir uu federaal-ka ka mid noqdo, haddii ay dhacdana uu la mid noqdo gobollada kale.

Ka feker waxa dhacaya haddii tirada shacabka waxa lagu qeebsado. Banaadir waxaa degan 2.5 Milyan oo qof. Haddii aan Soomaaliya ku qiyaasno 12 milyan, gobolka Banaadir wuxuu helayaa 20.8% xildhibaanada baarlamanka cusub, oo aan ku qiyaaseyno 275 xildhibaan. Taas macanheedu waa 57 xildhibaan, oo ka mid ah 275-ka xildhibaan. Nasiib darro, waxaa la doonayaa in 2.5 iyo 300,000 oo deggan Nugaal ay isku xuquuq noqdaan, amaba kasii xun oo la yiraahdo 2.5 milyan oo qof cod ma lahan.

Waxaa macquul ah in dad badan ay is-weydiiyaan sababta Ethiopia, Kenya iyo Nicholas Kay ay ugu adeegayaan Xasan Sheekh oo ay dadkan degan Muqdisho uga diidan yihiin xuquuqdooda, oo ay Soomaalida u kala jecel yihiin? Sababtu waxa ay tahay dadkan ma ahan dad cadowga daba orda, gata qaddiyadooda, dalkooda iyo damiirkooda, waana dadka kaliya ee aan ogoleyn in Ethiopia iyo Kenya ay dalka maamulaan.

Ugu dambeyntii, qorshaha kaas badalkiisa dadaalka loogu jiro ayaa ah in baarlamaankan uu bedelo baarlamaan la soo doortay oo kaliya, lana qaato doorashada ku saleysan “Proportional Representation” oo ay soo bandhigtay Madasha Midnimada iyo Dimoqaraadiyadda.

Dadka Muqdisho dega, siyaasiyiintooda iyo aqoonyahankooda, oo ah dad hurda, aan lahayn aragti fog iyo siyaasad jaan go’an oo hal dhinac u socota, ayaa ku baraarugin shirqoolkii uu Xasan Sheekh dhigayey saddex sano, lamana oga waxa ay sameyn doonaan kadib 29-30-ka July Insha Allah.

Si kastaba waxaa cad hal arrin: Waxa socda waa qorshe la isaga horkeenayo umadda Soomaaliyeed, oo la doonayo inay qabiil qabiil isku disho, dalkuna weligiis ahaado maamul is dhex yaacaya oo midba Kenya ama Ethiopia ku xiran yahay. Haddaan waxa socda laga hortagin Soomaaliya waxay ku socotaa god ka weyn kana dheer kii hore.

Hoos ka eeg warqadda ay heshay Caasimada Online oo ay saxiixeen Kay iyo Xasan Sheekh.

FG: Warqadda waa afar bog oo English iyo Soomaali ah, waxaad arkeysaa kaliya bogga koowaad, kadib hoos ayaa waxay ka wadataa meel NEXT, kadib click dheh Next dheh bogga kusii xiga mid walba. Mahadsanid.

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/06/important-document.pdf”]