Xog: Sidee looga adkaaday musharixii Damjadiid C/llaahi Aasbaro (Arrin lama filaan oo dhacday)

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo shalay la doortay guddoonka Baarlamaanka maamulka cusub ee Galmudug ayaa waxaa guushii hore ee jagada gudoomiyaha Baarlamaanka ay raacday kooxda raacsan Musharax Axmed Macalin Fiqi, waxaana xilkaasi ku guuleystay Cali Gacal Casir oo gacansaar la leh kooxda Aala-sheekh.

Waxaan helnay xogta sida ay wax u dhaceen intii aan la gelin wareegii labaad ee doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka, markaas oo labada musharax uu horeeyay C/llaahi Maalin Asbaro oo helay 38, iyo Cali Gacal oo heystay 35, laakiin waxaa shaki la’aan la wada eegayay 11-ka cod oo uu helay musharax C/risaaq Xuseen Maxamuud

Kooxda Aalasheekh ayaa si degdeg ah ula xiriirtay musharax C/risaaq Xuseen Maxamuud  oo kasoo jeeday beesha Dir heystayna dhamaan codadka beeshiisa, waxayna la galeen heshiis ah inay codka siiyaan Cali Gacal Casir, iyaguna ay u codeyn doonaan in guddoomiye ku xigeenka labaad ay qaadato beesha Direed.

Heshiiskan wuxuu meesha ka saaray heshiis kale oo C/kariin Guuleed kula jiray Beelo kala duwan kuna saabsanaa in Beesha Wacaysle ay qaadato jagada guddoomiye ku xigeenka koowaad, waxaana si degdeg isu bedelay xaaladii doorashada iyadoo kooxda Damjadiid iyo musharax C/kariin Guuleed arrinta ka war heleen xili aysan wax tallaabo ah qaadi karin. Waana tan keentay in si lama filaan ah xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ku guuleyso musharax Cali Gacal Casir oo helay 48 cod, halkaasina jab hordhac ah ka soo gaaro kooxda taageersan C/kariin Guuleed.

Musharaxa laga guuleystay C/llaahi Aasbaro oo helay 36 cod ayaan wax hambalyo ah siinin ninkii la tartamayay ee ku guuleystay jagada sida laga filayay, taaso muujineysa sida uu jagada isu siiyay iyo saadaashii dhinaciisa jirtay mar waliba.

Isha goobjooge