SAWIRRO: Shacabka Puntland oo ku sigtay inay gubaan calanka iyo DF oo lagu banaanbaxay

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa waxaa ka socda Banaanbaxyo looga soo horjeedo DF Somalia iyo Maamulka cusub ee Galmudug.

Dibadbaxa ayaa waxaa kamid ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka kuwaasi oo dhiiragalinaayay Banaanbaxayaasha, waxa ayna dadku ku qeyla dhaaminayeen Erayo lidi ku ah Dowlada iyo Maamulka Galmudug.

Mas’uuliyiinta Maamulka ee ka qeybgashay Banaanbaxa ayaa sheegay in aysan Puntland u dul qaadan karin in lagu soo xad gudbo Xuduudaheeda sida ay ku dhawaaqeen Masuuliyiin la hadlay dadka Dibadbaxa dhigayay.

Waxa ay Mas’uuliyiintaasi sheegen in Maamulka Puntland uu taageersan yahay Shirka ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee lagu dhisaayo Maamulka cusub, waxa ayna ka digeen in Maamulka Galmudug ay kusii fogaadan faragalinta.

Sidoo kale, dadka dibad baxa isugu soo baxay ayaa ku sigtay inay gubaan Calanka Somalia ee Baluuga ah, waxaana la soo warinayaan in dadka ay ku dhex jireen Xubno uga digaayay inay dhib gaarsiiyaan Calanka.

Dhanka kale, Dibadbaxa ayaa yimid kadib markii maalinimadii shalay aheyd Ergada Cadaado ay doorten Gudoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa ee uu Baarlamaanka yeelan doono.
1

2

3

4

5

6

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com