Ahlu-Sunna oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan doorashadii ka dhacday magaalada CADAADO!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Ahlusun wal-jameeca ee gacanta ku heysa inta badan Gobolka Galgaduud, ayaa ka hadlay Mowqifkooda ku aadan doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Cadaado.

Hogaanka sare ee Ahlusuna, ayaa sheegay in Mowqifkooda uu yahay inaysan aqoonsaneyn jiritaanka Baarlamaanka cusub iyo guud ahaan Maamulka Galmudug ee la dhisaayo.

Axmed Cabdulaahi oo kamid ah Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka ayaa sheegay in ka Maamul ahaan aysan meel la fadhiisan doonin Ergooyinka iyo gudiyada ku shirsan Cadaado, waxa uuna sheegay inay ka madaxbanaan yihiin Maamulka laga dhisaayo Cadaado.

Waxa uu tilmaamay in Ahlusuna ay goor hore isaga baxeen Shirka ka socda Magaalada Cadaado, taasina ay ka turjumeyso go’aanka ay qaaten.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo ku-xigeenadiisa ayuu sheegay inaysan aqoonsanaan doonin, waxa uuna sabab uga dhigay kala gurashada Siyaasadii kala dhexeysay DF Somalia.

Haddalka kasoo baxay Maamulka Ahlusuna ayaa kusoo beegmaaya iyadoo maalmo ka hor uu Magaalada Dhuusamareeb ku fashilmay kulan laba geesood ahaa oo u dhexeeyay DF Somalia iyo Ahlusuna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com