Dhageyso “Xasan Sheikh iyo Jawaari ayaa dabka huriya, Nick Kay-na wuu ku biiray” Waxaa yiri…

Garoowe (Caasimada Online) – Gudoomiyaha magaalada Garoowe Axmed Saciid Geele, oo kamid ahaa masuuliyiin k ahadashay banaanbax maanta ka dhacay magaalada Garoowe ayaa eedeeyay dowlada Soomaaliya.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in cadaalad daro ay aheyd dhismaha baarlamaanka maamulka Galmudug iyo arimaha xuduudeynta maamulka Galmudug, sida ku cad dastuurka maamulkaasi.

Wuxuu sheegay in maamulka gobolada dhexe aan lagu dhisin rabitaanka shacabka Soomaaliyeed isagoo kala jeedo iney ka xun yihiin horumarka laga gaaray dhismaha maamulka Galmudug.

Mr Axmed, ayaa soo jeediyay in madaxda dalka ay joojiyaan dab hurin oo ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya uuna ku biiray wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com