26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

C/kariin Guuleed oo ku guuleystay doorashada madaxweynaha Galmudug + Waa qof ceynkee ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ku guuleystay Doorashada Madaxtinimada Maamulka Galmudug, kadib markii uu ka adkaaday wareegii u  dambeeyay Musharax Axmed Macalin Fiqi oo ay wada tartamayeen.

Guuleed ayaa ku soo baxay codad gaaraya 49 cod halka Axmed Macalin Fiqi uu helay codad gaaraya 40 cod wadarta guud codadka waa 89 cod.

Guddiga Doorashada Madaxtinimada Maamulka Galmudug, markii ay ku dhawaaqeen in C/kariin Xuseen Guuleed uu yahay Madaxweynaha Maamulka Galmudug, ayaa mar qura waxaa meesha is qabsaday sacab iyo qaylo ay sameynayeen taageerayaasha C/kariin Xuseen Guuleed.

Wasiirada Xukuumadda ka tirsan iyo Xildhibaanada Baarlamaanak Dhexe ka tirsan ayaa si wadajir ah ugu hambalyeeyay C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha cusub ee Maamulka Galmudug.

Guusha C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa waxa ay ka dhigantaa in Dowladda Federalka Somalia ay hanatay Gobolada Dhexe ee dalka Somalia, maadaama C/kariin saaxiibo dhaw yihiin Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Inkastoo C/kariin Xuseen Guuleed maanta loo doortay Madaxweynaha Maamulka Galmudug, hadana xooagaga Ahlu Sunna oo Galgaduud qayb kaga sugan ayaa iyaga 1-dii Bishan ku dhawaaqay in Madaxweyne ay u doorteen Sheekh Maxamed Shaakir.

Wuxuu soo noqday Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee xukuumadihii Ra’iisal wasaarayasha Saacid iyo C/weli, wuxuuna xilka isaga casilay culeys uga yimid xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo waxqabad la’aan ku eedeeyay wasaaradda Amniga oo uu wasiir ka ahaa.

Kadib waxaa loo magacabaay La-taliyaha arrimaha siyaasadda ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ilaa iminka ahaa, kadibna waxaa olole weyn loo galay inuu qabto xilka uu maanta ku guuleystay ee madaxweynaha maamulka Galmudug.

C/kariin Guuleed waa Xirfadle hawlo  badan ka soo qabtay Maamulka iyo Maareynta, waxaana ka mida:

  • Agaasime-Daleed u soo noqday Hay’adda Muslimka Afrika
  • Qayb libaax ka qaatay aas-aaska barnaamijyo aqooneed iyo kuwo hawleed oo ay leedahay Jaamacadda SIMAD
  • Guddoomiye  Naadiga FPEN oo ah xiriir ay leeyihiin Ururrada ku hawlan Meheradaha Waxbarashada ee Gaarka loo Leeyahay
  • Wuxuu ku hadlaa Afafka: Carabiga iyo Ingiriisiga

Waxaa lagu tilmaamaa inuu saaxiib dhow la yahay madaxweyne Xasan Sheekh oo xisbi qura iyo koox ay ka wada tirsan yihiin, shaqsiyad ahaan waa nin af gaaban oo aqoon yahan ah siyaasaddana ku soo biiray waqti danbe isagoo ahaa aqoonyahan waqti badan ku bixiyay arrimaha waxbarashada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News