Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdish kadib markii uu muddo toddobaad ah ku suganaa degaanada Puntland oo wadahadal aan miro dhalin uu kula soo yeeshay madaxda maamulada Puntland iyo Jubba.
Socdaalka Ra’iisal wasaaraha ayaa ku soo gabagaboobay magaalada Gaalkacyo oo lagu waday inuu kulan kula yeesho madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo isna Gaalkacyo ku sugnaa, balse waxaa kulankaasi ka hor istaagay Ra’iisal wasaaraha maamulka Puntland oo u diiday inuu u gudbo dhinaca koonfurta Gaalkacyo iyagoo sabab ka dhigay dhinaca ammaanka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sida la sheegay ku adkeystay inuusan ka cabsi qabin amnigiisa, uuna doonayo la kulanka Guuleed, balse mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa Cumar Cabdirashiid u sheegay inaan la aqbali karin la kulanka Guuleed.
Fashilka ku yimid kulankii labaad ee labada dhinac ayaa dib u dhac ku keenaya dadaalkii uu waday Ra’iisal wasaaraha oo horeba ay u diiday Puntland, oo ula dhaqanta Cumar Cabdirashiid si aanu u qalmin miisaankiisa siyaasadeed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]