DF oo ka tanaasushay arrin SOMALIA ay muddo u ololeyneysay, “Ma awoodno culeys ayaa jira”…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumada Somalia Cali Jaamac Jingili oo Wareeysi siinaayay Idaacada BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa cadeeyay in DF Somalia aysan awood u laheyn inay Maamusho Hawada dalka Somalia, sidaas darteed aysan lasoo wareegeyn.

Waxa uu sheegay in DF Somalia ay jeclaan laheyd maamulida Hawada dalka, balse aysan heysan agabkii lagu maareyn lahaa dhaqdhaqaaqyada Hawada Somalia. Arrintan ayaa imaneysaa xilli xukuumadihii tan ka horeeyey ay muddo olole ugu jireen inay lasoo wareegaan maamulka hawada.

Wasiirka waxa uu carabka ku dhuftay in dhamaan dhaqaalaha kasoo xarooda isticmaalka Hawada Somalia ay u gacangasho Hay’ad taabacsan QM, waxa uuna taasi ku sheegay inay tahay tan kaliya ee cuuryaamineysa awoodii ay DF Somalia ku maamuli laheyd hawadeeda.

Waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray in ahmiyada koowaad ay wasaaradiisu siineyso dayactirka Garoomada duulimaadyada Somalia min magaalo ilaa gobol, taasina ay imaankarto goorta ay QM soo wareejiso dhaqaalaha ay ka uriiriso hawada Somalia.

Dhanka kale, DF Somalia ayaa dhowr jeer oo sii horeysay ku celcelisay in QM ay kala hadli doonto soo wareejinta Hawada Somalia, inkastoo aysan waxba soo kordhin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com