Obama oo lagala hadlay arrin u muhima Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay aqalka Odayasha Mareykanka ayaa waxaa lagu dalbaday in Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama uu kasoo tallo bixiyo sababta uu Danjire cusub ugu magacaabi la’ yahay dalka Somalia.

Odayaasha ayaa Madaxweyne Obama ku booriyay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku magacaabo Danjire cusub waxa ayna qoraalkooda ku sheegen in lagama maarmaan ay tahay in Dowlada Mareykanka ay Safiir u hesho dalka Somalia oo iminka kasii bogsanaayo dhibaatadii ku habsatay dhowr sano ka hor.

Odayaasha ayaa qoraalkaasi Xafiiska Madaxweyne Obama u gudbiyey bishan July 17-dii Codsigaasi oo ay ku muujiyeen sida loogu baahan yahay in la magacaabo Danjire cusub si taageero loogu geysto dhismaha Somali.

Waxa ay ku taliyeen in si dhaqsi ah lagu soo celsho xiriirkii 1991kii ka dhexeeyay Somalia iyo Mareykanka si looga gudbo burburka Somalia daahsaday.

Waxay kaloo qoraalkooda ku muujiyeen inaysan jirin Danjire Maraykan ah oo ka hawlgalay Somalia tan iyo burburkii Dowladnimadda Somalia ee bilowgii sannadkii 1991-kii.

Geesta kale, Madaxweyne Obama ayaa looga fadhiyaa fulinta Codsiga ka yimid Mudanayaasha, waxaana la filayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan uu latashiyo kula sameeyo Odayaasha Kongareeska Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com