Xildhibaanada BFS oo diiday qorshaha Xasan iyo Fowsiya oo shaacisay waxa ay damacsan yihiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa wado qorshe ay doonayaan in loogu sameeyo waqti kordhin muddo hal sano ama halsano iyo bar ah, siday shaaciyeen xildhibaano baarlamaanka ka tirsan oo warbaahinta la helay.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in xildhibaanada hadda jira lagu beddelo kuwa ay soo dooran doonaan maamul goboleedyada.

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, oo la hadashay Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa sheegtay in xildhibaanada baarlamaanka horyaalaan howlo badan laakiin ay heystaan waqti kooban oo aysan howlahaasi ku qaban Karin.

Fowsiyo Xaaji, waxay cadeysay in xildhibaanada baarlamaanka marnaba howlahaasi ku qaban Karin waqtiga kooban ee ay sheegtay iney heystaan, balse loo baahan yahay in muddo kordhin ay sameystaan xildhibaanada.

Xildhibaanada ayaa sheegtay in muddo sanad ama sanad iyo bar  loo baahan yahay in waqti kordhin loo sameeyo si ay u dhameeyaan howlaha horyaala baarlamaanka, taasi oo fursad kale siin doonto madaxweynaha Soomaaliya.

“Dalka wuu burburayaa haddii howlaha baarlamaanka horyaala iyowaqtiga aan la isla meel dhigin, waxaan u baahanahay sanad ilaa 2 sano oo dheeri si aan dalka loo kala dhantaalin”ayay tiri Fowsiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com