Guuleed oo u digay Puntland: “Galmudug waa ay kasoo gudubtay xilligii sacab lagu qarin lahaa”!!!

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa shalay ka hadlay bannaanbax balaaran oo dadweynaha Gaalkacyo ay ku soo dhoweeyeen Barxada Cabdulahi Ciise ee Magalaadaasi, wuxuuna sheegay inuu nabad ugu baaqayo Puntland iyo wadahadal uu ugu yeeray kooxda Ahlu sunna.

Isagoo ka hadlayay bannanbax dadweyne aad u faro badan ka soo qeyb galeen ayuu sheegay inuu u yimid Gaalkacyo la tashi iyo inuu u kuurgalo xaalada dadka, wuxuuna uga mahad celiyay dadweynaha reer Gaalkacyo sidii diiraneyd ee ay u soo dhoweeyeen.

“Galmudug waa ka gudubtay xiligii sacabada lagy qarin lahaa, Galmudug waa soo dhaaftay xiligii wax loo dhimi lahaa…” ayuu yiri C/kariin Guuleed oo Puntland ugu yeertay inay dhowrto derisnimada oo aysan iyagu dooran ee degaanka Alle ku wada beeray, wuxuuna ka digay inaysan Puntland dib u laaban doonin oo la siman tahay maamulada dalka ka jira.

Wafdiga madaxweynaha Galmudug oo lagu waday inuu Gaalkacyo kula kulmo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayay suuragal noqon weyday kadib markii ay labada mas’uul isu gudbi waayeen.

Isha goobjooge