W/A Gudaha oo si kulul uga hadlay wixii maanta dhacay “Waxaa igu ballan ah in AMISOM aan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa si kulul uga hadlay dhacdadii maanta ciidamada AMISOM ka geysteen magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wasiir Odowaa aya ugu horeyn tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay labadii dhacdo ee ciidamada AMISOM ay ka geysteen degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Wuxuu wax aad looga xumaado ku tilmaamay falka ciidamada AMISOM ay ku dileen dadka rayidka ah ee ku sugnaa Heliwaa iyo degmada Marko.

Wasiirka arimaha gudaha ayaa si cad u sheegay in dowlada Soomaaliya ay la xisaabtan dhab ah la sameyn doonto ciidamada AMISOM ee falalkaasi ka geystay magaalada Muqdisho iyo magalaada Marko.

“Waxaa ballan ah in Amisom aan looga harin arrintan, waxaan sameeneynaa baaritaan buuxa, waana la xisaabtameynaa” ayuu yiri.

Wareysi uu siiyay BBC ayaa sidoo kale u sheegay in falkaasi uusan noqon doonin mid looga haro ciidamada AMISOM, maadaama marar badan dad rayid ah ay ku laaheeyn degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com