Liis horu-dhac ah: Magacyada iyo sida beelaha u kala qaadan doonaan wasiirada Gal-Mudug (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa lagu wadaa inuu magacaabo 11 Wasiir iyo Agaasimeyaal iyo La taliyeyaal ka awood badnaan doono golaha Wasiiradda Galmudug.

Qorshahan ayaa ah mid ay waddo Damu-Jadiid, oo lagu doonayo in wasiiradu noqdaan magac u yaal, balse howsha ay qabtaan agaasimayaashooda.

Liis hordhac ah, oo ay suurta gal tahay inay wax iska beddelaan ayaa soo shaac baxay, waxaana wasiiradda uu magacaabi doono Guuleed iyo sida ay beelaha u kala heli doonaan ay kala yihiin.

1 – Wasiirka Beesha Sacad waxaa la siin doonaa nin lagu magacaabo Wadaad Yare oo ah Reer Hilowle ah {Wasarada Beeraha, Deegaanka iyo Xanaanaada Xoolaha}.

2 – Wasiirka Beesha Saleebaan waxaa loo magacaabi doonaa nin la yiraahdo Xasan Xaashi. {Wasaarada Dekadaha, Gaadiidka iyo Kaluumeysiga}.

3 – Wasiirka Beesha Ceyr waxaa loo magacaabi doonaa Xasan Qalaad {Wasaradda Amniga gudaha}.

4 – Wasiirka Beesha Duduble waxaa loo magacaabi doonaa Maxamed Cilmi Damdamle. {Wasaaradda Ganacsiga iyo Kheyraadka }.

5 – Wasiirka Beesha Dir waxaa loo magacaabi doonaa Cabdirisaaq Waaweyne {Wasaarada Cadaalada, Dastuurka iyo Arrimaha Diinta }.

6 – Wasiirka Beesha Waceysle waxaa loo magacaabi doonaa nin la yiraahdo Maxamud Adan Cismaan oo Cali Gaaf ah  (Beesha Xasan Sheekh), wuxuu la dhashay Madaxa Baratakoolka Madaxtooyada Cabdirisaq Kampala waxaana laga dhigi doonaa {Wasarada Howlaha Guud, Guriyaynta iyo Dib u Dhiska }.

7 – Wasiirka Beesha Murusade waxaa loo magacaabi doonaa Cabdullahi Asparo oo looga adkaaday tartankii Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug {Wasarada Maaliyada, Qorsheynta iyo Iskaashiga}.

8 – Wasiirka Beesha Saruur waxaa loo magacaabi doonaa nin lagu magacaabo Abukar Warsame.{Wasarada Shaqada, dhalin-yarada iyo Arrimaha Ciyaraha}.

9 – Wasiirka Beesha Madhibaan waxaa loo magacaabi doonaa nin la yiraaho Maxamed Xasan Cadde.{Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada}.

10 – Wasiirka Beesha Mareexaan waxaa loo magacaabi doonaa nin la yiraahdo Xasan Gurey {Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta}.

11 – Wasiirka Sheekhaal ma helin magaciisa laakiin beesha Sheekhaal waxaa la siiyay {Wasaarada Waxbarashada, Bar- Baarinta iyo Cilmi Baarista}.

Cabdi Kariim Guuleed wuxuu dhinaca kale Xafiiskiisa ku tixi doonaa Agaasimayaal ka awood badan Wasiiradda, inta badan Agaasimeyaasha waxeey noqon doonaan Damujadiid.

Waxaa sidoo kale qiyaanooyinka uu damacsan yahay ka mid aa inuu magacaabo.

La taliyaha Siyaasada iyo Xiriirka Caalamiga ah
La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gudaha iyo Dib u hishiisiinta
La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ganacsiga iyo Hor. Dhaqaalaha
La taliyaha Madaxweynaha ee Horumarinta Adeega Bulshada
La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Sharciga iyo Dastuurka
La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com