Odawaa oo laalay codsigii odayaasha GalMudug

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka heleyno Odayaal ka soo jeeda Deegaanada Maamulka Gamudug ayaa sheegaya inay laga diiday codsi ay u gudbiyeen Wasiirka arrimaha gudaha Somalia C/raxmaaan Odawaa.

Maxamud Cusmaan oo kamid ah Odayaasha ayaa Caasimada Online u sheegay in Wasiir Odawaa ay u gudbiyeen warqado ay kaga codsanayaan in Madaxweynaha Galmudug uu dib uga laabto kala qeybqeybinta Beelaha kasoo jeeda Gobolada Dhexe.

Waxa uu sheegay inay qaati ka taagan yihiin Madaxweynaha Galmudug C/kariin Gulleed oo uu ku eedeeyay inuusan ahmiyad gaar ah siineynin dhageysiga ilaa Seddex beel.

Waxa uu intaa hadalkiisa raaciyay in C/kariin Guuleed ay ilaa Afar jeer ka codsadeen inuu ka dhageysto fariimo ay u wadeen, balse uu xogeenadiisa ku amray inaan Madaxtooyada loo soo gudbin Karin Odayaasha.

C/raaxmaan Odawaa ayuu ugu baaqay inuu wax ka qabto dhaqanada uu la imaaday Gulleed, waxa uuna ku goodiyay in ka Odayaal ahaan ay dib ula laaban doonaan kalsoonidooda wa hadii Gulleed uu kusii adkeysto ficilada uu ku kala qaadqaadayo beelaha, sida uu hadalka u dhigay.

‘’Ma suura galeyso in Gulleed uu qaabilo kaliya Odayaal ku heeb ah kuwa kalane uu ka mamnuuco madaxtooyada talaabada uu qaaday ayaan anaguna qaadi doonaa haddii uu la imaan waayo isbedel’

Dhanka kale, Odawaa ayuu isna ugu baaqay inuu wax ka bedelo shaqada uu umadda u hayo, waxa uuna cadeeyay in xiligii doorashada Cadaado uu ahaa shaqsi fiican balse markii uu guuleystay Gulleed uu bedelay Siyaasadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com