SOMALILAND oo gacanta kula jirta arrin halis ah!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo laamaha amaanka Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Maamulka uu wado qorsho ay ku diiwaan galineyso Ciidamo gaar ah oo la dagaalamo Maleeshiyaadka Xuutiyiinta.

Maamulka ayaa lagu wadaa in Ciidamo ku dhow 800 uu u diro daka Sacuudiga si halkaasi loogu siiyo tababaro kadibna loo geeyo dalka Yemen si ay ula dagaalamaan Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee dagaalka kala soo horjeeda Dowlada Yemen.

Qorshahaani ayaa waxaa isla daadihinaayo Hogaamiyaha Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Dowlada Sacuudiga.

Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka wasaarada Arrimaha dibada Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil, oo qorshahaasi cusub ka hadlaayay ayaa beeniyay waxa uuna sheegay in Maamulka uusan lug ku laheyn wararka ay isla dhex marayaan shacabka.

“Maalmahaani danbe waxaan dareemeynaa in Hargeysa si aad ah looga hadal hayo arrinta la xiriirta in Somaliland ay Ciidamo u diyaarineyso la dagaalanka Xuutiyiinta. Anigu waxaan leeyahay waa arrin aan waxba ka jirin mana garaneyno halka laga soo maanguuriyay warkaasi”

Haddalka Mas’uulkaani ayaa imaanaya xili mas’uuliyiin ka tirsan mucaaradka Maaamulka Somaliland ku eedeeyeen inay qoreyso Ciidamo Sacuudiga la geeyo si ay uga barbar dagaalamaan xulufada Sacuudigu hogaamiyo ee la dagaalanta Xuutiyiinta Yemen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com