XASAN iyo beesha caalamka oo Cadaado tagaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalinta Khamiista ee soo socota ayaa la filayaa in madaxweynaha Soomaliya iyo xubno ka socda beesha caalamka ay tagaan magaalada Cadaado oo xarun KMG ah u ah maamulka Galmudug ee C/kariin Xuseen Guuleed.

Ujeedada wafdigaasi u tagayaan magaalada Cadaado ayaa ah iney ka qeyb galan xaflad loo sameynayo madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Xafladaasi ayaa sidoo kale la filayaa iney ka qeyb galaan xubno ka socda uru goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo ururka midowga africa ee AMISOM.

Wafuud hor dhac u ah ka qeyb galka xaflada caleemo saarka oo khamiista dhaceyso ayaa maalmahaan tagayay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

C.kariin Xuseen Guuleed ayaa dhaqaalo badan ku bixiyay helitaanka xilka madaxweynaha maamulka Galmudug, waxaana uu kaga guuleystay Axmed Macalin Fiqi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com