Daawo sawirada: Diyaaradaha sirdoonka USA oo lagu fasaxay hawada Nairobi iyo Barack Obama..

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hawada Magaalada Nairobi dul heehaabayo Diyaaradaha Militeriga dalka Mareykanka kuwaasi oo ka qeybqaadanaayo xaqiijinta amaanka Madaxweynaha Mareykanka Barack Hussien Obama oo la filaayo in Habeenimada Jimcaha ah uu ka dego garoonka Diyaaradaha Kenya.

Magaalada Nairobi ayaa waxaa hadda soo gaaray inkabadan 400 oo hordhac u ah Saraakiisha dhinaca Amniga iyo Borotokoolka Obama, halka Sidoo kale amaanka Madaxweynaha ay sugi doonaan in ka badan 10,000 oo ciidamo Maraykan ah oo loogu talagalay inay sugaan ammaanka wafdiga Madaxweyne Obama oo Kenya joogi doona muddo saddex cisho ah.

Sidoo kale, Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Milliteriga Maraykanka ayaa hawlgallo dhinaca Sirdoonka ka bilaabay Hawada dalka Kenya, waxaana Hawada Nairobi lagu arkayey Diyaaradahaasi oo hadba jiho sahminayo, waxaana u badan Helikoptero iyo 4 noocoodu yahay Boeing V-22 Osprey aircraft.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

HELIKOPTERS-6