Ahlu-Sunna oo ku biireysa maamulka GalMudug iyo baarlamanka oo la ballaarinayo (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Labadii todobaad ee lasoo dhaafay waxaa socday qorshe la doonayo in ururka Ahlu sunna looga dhaadhiciyo ka qeyb galka maamulka Galmudug ee Mudug iyo Galgaduud laguna dhisay magaalada Cadaado.

Ilo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in meel wanaagsan marayaan wadadahalo hoose oo u socda maamulka Galmudug ee madaxweyne Guuleed iyo xubno ka tirsan maamulka Ahlu sunna ee lagu dhisay magaalada Dhuusomareeb.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in xubnaha Ahlu sunna lagu qancin doono dhaqaalo badan, qaarkoodna xilal loo dhiibayo gaar ahaan wasaarada cusub ee madaxweyne Guuleed uu doonayo in dhawaan uu soo dhiso.

Sidoo kale waxaa socda qorshe lagu balaarinayo baarlamaanka maamulka Galmudug si ay isaga dhex arkaan xubnaha Ahlu sunna Waljamaaca.

Wararka aan heleno ayaa sheegaya in la doonayo in baarlamaanka maamulka Galmudug la gaarsiiyo 100 xildhibaan oo xildhibaanada kale ay ka imaadaan dhanka Ahlu sunna Waljamaaca, sida ilo xog ogaal ah ay inoo xaqiijiyeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com