Qorshe aan caadi ahayn oo lala damacsan yahay xildhibaannada, saraakiisha iyo shaqaalaha DFS!

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda  Soomaaliya ayaa ansixiyay Axadii 19-kii July 2015 in wax ka bedel lagu sameeyo miisaaniyada 2015 oo hore Baarlamaanku u ansixiyay, iyadoo ladhimayo kharashaadka ku baxa Wasaaradaha, xafiisyada dowladda, mushaarka shaqaalaha rayidka iyo saraakiisha ciidamada.

Wa ka bedelka Miisaaniyadda waxaa golaha wasiirada ka ansixiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo shirka Golaha wasiirada guddoomiyay maalintaasi isagoo culeys ku saaray golaha wasiirada, wuxuuna balan qaaday in miisaaniyadda la bedelay lagu saleeyay dhaqaalaha gudaha oo bil waliba ay mushaar heli doonaan shaqaalaha dowladda iyo ciidamada.

Wax ka bedelka oo u baahan inuu Baarlamaanku ansixiyo wuxuu saameynta ugu weyn ku yeelanayaa shaqaalaha rayidka, xildhibaanada Baarlamaanka ah iyo wasaaradaha iyadoo aan la sheegin wax saameyn ah oo uu ku yeelanayo madaxda sare iyo xafiisyadooda(Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Ra’iisal wasaaraha).

1. Shaqaalaha dowladda ee rayidka ah waxaa laga jarayaa ilaa 30%, tusaale ahaan shaqaalaha heerka (A) ee qaadan jiray $700 marka laga jaro casnshuurta waxay hadda qaadan doonaan $500 kaliya.

2. Waxay arrintan saameyn ku yeelan doonta saraakiisha ciidamada kala duwan ee dowladu siiso mushaarka.

3. Xildhibaanada Baarlamaanka waxaa casnshuur ahaan looga qaadayaa 18%, waxayna hadda qaadan doonaan $2500, halka ay qaadan jireen $3000.

4. Kharash maalmeedkii la siin jiray wasaaradaha oo kala duwanaa waxaa inta badan laga dhigay $3000, halkii ay hore u heli jireen $4800 iyo ka badan

5. Waxay kaloo wax ka bedelka xukuumadu dooneyso saameyn doonaa raashinka la siin  jiray ciidamada.

Golaha wasiirada ayaa arrintan ansixiyay kadib markii uu madaxweynaha culeys ku saaray, wuxuuna sheegay in wixii hadda ka danbeeya la heli doono mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda bil waliba dhammaadkeeda.

Lama oga sida arrintan u dhaqan geli doonto xilli miisaaniyadda 2015 ay ka harsan tahay 5 bilood oo qura, baarlamaankana laga doonayo inuu ogolaado wax ka bedelka la soo jeediyay, waxaase rajo xumo laga muujinayaa arrimaha maaliyadda dowladda Federaalka.

Isha goobjooge