25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xog cusub: Dowlado hor leh oo qorsho cusub ka damacsan badda Soomaaliya ee iska baylahan.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimadda dalka Belgium ee Brussels, ahna Xarunta Dhexe ee Ururka Midowga Europe, waxaa Heshiis Is-faham (MoU) ku kala saxiixday Wakiilka Taiwan u jooga EU iyo Belgium, Tung Kuo-yu iyo Sarkaal lagu magacaabo James Burnell-Nugent oo ka tirsan Mashruuca(OBP).

OBD ayaa ah Mashruuca Hay’adda Mustaqbalka Hal Adduun “The One Earth Future Foundation oo Xarunteeda dhexe ku taallo Maraykanka.

Heshiiskaasi ayaa oggolaanayo in la dhiso Shabakadda cusub oo Isgaarsiinta Baddaha Somalia, si loo kordhiyo Ammaanka Maraakiinta ee Xeebaha Somalia.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jesiiradda Taiwan ayaa lagu sheegay inay ballanqaadeen lacag dhan 166,000 oo Dollar, si loogu adeegsado Dhismaha Xarumo dhinaac ammaanka Maraakiibta oo laga hirgelinayo 5 Deked oo ku yaalla Somalia.

Mashruuca OBP waxay la shaqeeyaan Xafiiska QM ee ka-hortagga Dembiyadda iyo Daroogada, Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee QM (FAO), Hawlgalka Ciiddanka Badda ee Midowga Europe ee Badda Somalia iyo Hawlgalka Milliteriga Maraykanka ee Qaaradda Afrika (US African Command) si loo xaqiijiyo Wacyigelinta Ammaanka Maraakiibta iyo Awoodda Isgaarsiinta Baddaha ee Somalia.

Xigasho:- focustaiwan.tw

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News