Arag Sawiro: Halis kusoo socoto isgoyska Sanca

Warshad aad u ballaaran oo karisa Laamiga ayaa laga hirgeliyay isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan, mashruucaasi oo hirgelintiisa iska leeyahay Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan iyo ganacsadooyin kale oo laga xusi karo Ganacsade Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” iyo Maxamed Deylaaf ayaa waxaa soo baxaya cabasho dadka deegaanka ay ka muujiyeen warshadaasi oo ah mid aad u weyn.

Dhulka warshadan laga hirgeliyay oo asalkiisa ay dad shacab ah laga kiciyay isla markaana muran uu ka taagan yahay, ayaa waxay dadka deegaanka ka qeyliyeen marka warshadaasi la shido in ay sii deyneyso qiiq madoobaad ah iyo ur fara badan, caafimaad ahaana aysan xamili karin hadii ay shaqeyso warshadaasi.

sanca_warshad_1“Maalin ayaa la tijaabiyay warshadaan uu ganacsade Abuukar Cumar Caddaan ka hirgeliyay xaafadeena, maalintaasi caruurteena iyo innagaba waxaan la joogi weynay qufac iyo indha xanuun iyo urka qiiqa laamiga warshada, Islaanimo hadey jirto waxaan ka codsaneynaa madaxda Dowladda in ay ka hortagaan halista ubadkeena iyo inaga nagu soo socda” ayuu yiri ganacsade deegaanka ka tirsan oo magaciisa sababo amni ugu gaabsaday.

Dunida oo dhan waxaa laga mamnuucay in warshad lagu kariyo laamiga laga dhiso meel dadku ay degan yihiin, waxaana la yaab leh in Wasaarada ganacsiga ee dowladda federaalka iyo maamulka gobolka banaadir ay bixiyaan ruqsada lagu dhisay warshadaas oo ay muuqato halis caafimaad in ay dadweynaha magaalada Muqdisho u keeni doonto.

sanca-warshad-1Tan kale ee ka sii yaabka badan waxay tahay Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan wuxuu leeyahay dhul ballaaran oo ka fog meelaha dadku degan yihiin oo magaalada ka baxsan sida ceelmacaan.

Laamiga warshadan ay kariso ayaa qandaraaska ugu badan ay ka haysataa Salaama Banki oo hoos yimaada shirkadda Hormuud oo maalgelisay xaafada cusub ee Daaru-salaam oo ilaa lix boqol guri ka ka hirgelisay dhinaca waqooyi ee jidka Warshadaha, halkaasoo la saaray wadooyin laami ah oo ka bilowda jidka Jen. Daa’uud.

Asalka dhulka warshadaan laga hirgeliyay ayaa waxaa ka jira muran xooggan oo dadkii deganaa laga kiciyay, kuwaasoo sharciyada dhuleed u haysta, balse maamulka Gobolka Banaadir iyo maxkamaddaha dastuuriga ay wax ka qaban waayeen.

W/Q: Cali Muxiyadin
Tifaftiraha Warfaafiye