Liibaan Madaxweyne oo isku dhiibay Ahlu-Sunna

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada meletariga Soomaaliya ayaa isku dhiibay maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe ee dalka, kadib markii uu ka goostay dhanka dowlada Soomaaliya.

Liibaan Maxamuud Maxamed “Liibaan Madaxweyne”, oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa isku dhiibay maamulka Ahlu sunna ee ka arimiyo degmooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel.

Liibaan Madaxweyne, ayaa ka mid ah saraakiisha ciidamada ee ku sugnaa deegaanka Godiblabe, waxaana uu ahaa saraakiisha loogu talo galay iney qabtaan magaalooyinka ay Ahlu sunna ka maamulaan gobolada dhexe.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Liibaan Maxamuud iyo Ahlu sunna uu wadahadal u socday uuna iska dhiibay deegaanka Mareergur, iyadoo markii dambe loo galbiyay  degmada Dhuusomareeb.

Xiisad dagaal ayaa ka taagan duleedka deegaanka Mareergur oo u dhaxeyso Ahlu sunna iyo maamulka Galmudug, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysa sababta uu Ahlu sunna ugu biiraay Liibaan Madaxweyne.

Saraakiisha Ahlu sunna ayaa sheegay iney soo dhaweynayaan is soo dhiibataanka sarkaalka ka tirsanaa ciidamada dowlada ee Godiblabe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com