XOG: Cabdi Waal oo xil cusub loo magacaabay!!

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe ayaa xil cusub u magacaabay Siyaaasiga Cabdi Nuure Siyaad “Cabdi Waal”, oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Ahlu sunna ayaa Cabdi Nuure Siyaad  u magacowday taliyaha guud ee ciidamada Ahlu sunna ee gobolada dhexe ee dalka, waxaana la ogeyn waxyaabaha uu qaban karo Siyaasi Cabdi Waal.

Madaxweynaha maamulka Ahlu sunna ee gobolada Sheikh Maxamed Shaakir ayaa xilka cusub u magacaabay Cabdi Nuure Siyaad, wuxuuna noqon doonaa taliyaha guud ee ciidamada Ahlu sunna ee gobolada dhexe.

Arinta magacaabida xilka ee Cabdi Waal ayaa kusoo aadeysa iyadoo xiisad ka taagan tahay duleedka deegaanka Mareergur ee gobolka Galgaduud una dhaxeyso maamulada Ahlu sunna iyo Galmudug.

Madaxweynaha maamulka Ahlu sunna ayaa shalay kormeer ku sameeyay deegaano dhowr ah oo ciidamada Ahlu sunna ay ku sugan yihiin, wuxuuna kadib xilka taliyaha guud ee ciidamada Ahlu sunna u magacaabay Cabdi Waal.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
Caasimada@live.com