Xog: Xasan Sheikh oo diiday inuu Kismaayo kula hadlo Axmed Madoobe iyo C/W GAAS (Sababta)!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo Munaasabad uga qeybgalay Magaalada Kismaayo ayaa ka biyo diiday in Madaxtooyada Kismaayo uu kula hadlo Hogaamiyayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Xubnaha Beesha Caalamka ka joogay Munaasabada ayaa isku dayay inay u kala garqaadan 3 Mas’uul balse Xassan Sheekh wuxuu diiday inuu la furo wada-xaajood isagoona ku andacooday in ujeedkiisa Kismaayo kaliya uu ku egyahay ka qeybgalka Munaasabada wixii intaa dheerna ay mudan tahay in dib loo dhigo, sababo la xiriira sharciga DF oo aysan u hogaansaneyn Labada Hogaamiye Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas.

Wasiirka Arrimaha dibadda Ethiopia Dr.Tedros Adhanom oo isagu Xasan Sheekh ku amray kuna qasbay inuu tago Kismaayo, ayaa ku guuldareystay inuu xal dhex dhigo Mas’uuliyiintaasi kadib markii dhowr jeer uu ku fashilmay inuu wax ka qabto Cabashooyin uu u gudbiyay Wasiirka bacdamaa ay Ethiopia garab boodeyso Labada Maamul.

Xasan waxa uu dalbaday in kulan ka duwan kan caleemasaarka ay isugu yimaadan si ay xal u wadagaaran, maadaama Khilaafka jira uu u baahan yahay wakhti badan in lagu bixiyo.

Lama oga goorta ay wada kulmi doonaan si ay xal uga gaaran Khilaafka, balse waxaa la rumeysan yahay in Xassan Sheekh uu aad uga careysan yahay in Maamuladaasi laga maamulo dalka Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com