Fadeexad: Sawirro laga soo qaaday Kismaayo oo muujinaya amarkii Ethiopia ay siisay XASAN SH.

Muqdisho (Caasimada Online) – Booqashada Madaxweyne Xasan ee Magaalada Kismaayo ayaa rumeyneysa ducfiga DF Somalia ka heysta dhanka Siyaasada, kadib markii Xasan Sheekh sandullo looga dhigay inuu ka qeybgalo caleemo saarka Axmed Madoobe.

Madaxweyne Xasan oo qorshihiisu ahaa in Xaflada Caleemasaarka u diro kaliya Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid ayaa waxaa goor danbe soo baxay amar ah in Xassan Sheekh uu si degdeg ah uga qeybgalo Munaasabada, waxa uuna amarkaasi kasoo baxay Dowlada Ethiopia iyo IGAD.

Booqashada iyo ka qeybgalka Xasan Sheekh Munaasabadaasi ayaa ka turjumeyso in Xasan uu si rasmi ah u aqoonsaday Jiritaanka Maamulka Jubbaland xili Madaxweynaha la caleemasaaray uu isaga is doortay.

Sawirrada laga soo qaaday munaasabaddaas shalay dhacday, ayaa muujinaya Xasan Sheekh oo wejigiisa murugo ay ka muuqato, lana dareemayo inuusan raali ka ahayn joogitaankiisa halkaas, balse danta ay ku qasabtay. Xasan oo ah nin mar walba qosol badan, ayaa la dareemayaa in shalay xaalkiisa si kale ahaa.

CALEEMAS
Tani waxa ay muujineysaa in Siyaasada Somalia laga maamulo dalka Ethiopia, islamarkaana Madaxda iminka talada u hayo dalka ay yihiin kuwo magac u yaal ah.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13