Video: XASAN SHEEKH oo ceeb ka dhigay Milan Expo (Safiirka SOMALIA oo sir culus kashifay)

Roma (Caasimada Online) –  Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga Gen. Muse ayaa sheegay in la dhinac maray Safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga ka qeyb galkii Dowladda Soomaaliya ee carwadii ka dhacday bishii hore magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.

Safiirka ayaa sheegay in Wasaaradda arrimaha dibadda iyo xafiiska madaxweynaha ay u soo wakiisheen carwadaas nin kale oo sheeganayo in uu isaga yahay safiirka saxda ah ee u fadhiya dalka Talyaaniga.

Gen. Muuse ayaa aad uga hadlay protocol xumadii ka dhacday ee ahayd markii madaxweynihii JFS la soo saaray tareenka shacabka markii uu imanay magaalada Roma si uu ula kulmo dhiggiisa wadankan.

Safiirka ayaa sheegay intii uusan iman madaxweynaha in uu waraaq u diray wasiirka arrimaha dibadda, taasoo uu ugu sheegay in ay qalad tahay in shaqsi aan safiir ka ahayn loo soo qoro waraaq in uu masuul ka yahay dowladda Soomaaliya. Waxaa kale uu sheegay in uu uga digay oo aan ilaa hadda loo hayn ticket madaxweynaha imaatinkiisa Roma.

Waa nasiib darro ayuu yiri in masuulyaddii dowliga ahayd laysugu magacaabo hab qabiil ah. Haddii uu rabo Madaxweynaha in uu i bedelo hasoo magacaabo shaqsi uu ku kalsoon yahay.