“Marnaba ma fileyn in madaxweyne Xasan & R/W CC ay sidaan sameynayaan” Waxaa sidaas yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Mas’uuliyiin uu kamid yahay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ay gaaren Magaalada Kismaayo ayaa waxaa booqashadaasi ka hadlay Xildhibaano ka tirsan BF Somalia.

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo ka mid ah Xildhibaanada ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar oo ku sugan Magaalada Kismaayo ay si cad uga talaabeen sharciyada dalka.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in nasiib darro ay tahay in Madaxdii dalka ugu sareysay ay baalmaraan sharciga, islamarkaana ay ka qeybgalaan Munaasabada Caleemasaarka Jubbaland xili maamulkaasi uu yahay mid aan lagu dhisin qaab sharci ah.

Magan ayaa sheegay in madaxda dowladda Federaalka ay jabiyeen go’aankii golaha shacabka uu ka qaatay Baarlamaanka Jubbaland.

Sidoo kale, waxa uu Magan sheegay in qalad weyn ay ahayd in madaxda dowladda ay gaaraan magaalada Kismaayo, iyaga oo u hambalyeeynaya madaxweyne Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa ayuu sheegay mid sharci darro ah oo lala baalmaray sharciga, Xassan Sheekh aaditaankiisa Kismaayana uu yahay mid ka turjumaayo in go’aanka BF uu yahay mid aan meel laga soo qaadin.

“Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Cumar waxa ay ku tunteen sharciga waa dulmi cad in Kismaayo ay u gaaran u hambalyeynta Axmed Madoobe”

”Waad la socoteen waxa uu sameeyay Axmed Madoobe, Baarlamaanka Jubba lama aqoonsan oo waa la diiday, marka ma ahayn in Kismaayo ay tagaan madaxda dowladda iyo xubnaha beesha Caalamka”

Magan ayaa Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar ugu baaqay inay jawaab ka bixiyaan sababta keentay in iyagii ugu sareeyay dalka ay qaadaceen go’aanka BF.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com